Kenya oo Shaacisay in ay dileen xubno katirsan Al Shabaab oo dalkooda soo galayay

Milatariga dalka Kenya ayaa shaaciyay in dagaalyahano katirsan Al Shabaab ku dileen howlgal milatari ay ka fuliyeen deegaannada Sariira iyo Kulbiyow ee ka tirsan Keymaha Boni ee degmada Lamu ee gobolka Xeebta.

War kasoo baxay Ciidamada Difaaca Kenya ee KDF ayaa lagu sheegay in howlgalka ciidamada fuliyeen lagu dilay toban dagaalyahan oo looga shakisan yahay in ay katirsan yihiin kooxda Al Shabaab.

Milatariga Kenya ayaa sheegay intii ay howlgalka ku jireen in ay ka baxsadeen dagaalyahano kale oo katirsan Al Shabaab ,kuwaa oo ay sheegeen in ka gudbeen xadka Soomaaliya la wadaago Kenya.

Ciidamada Difaaca Kenya ee KDF ayaa sheegay in dagaalyahanada ay dileen ay isku dayayeen in ay kasoo gudbaan xadka soo galaan gudaha dalka Kenya si ay weeraro uga geestaan.

Al Shabaab ayaa weeraro iyo qaraxyo ka geesta gudaha dalka Kenya gaar ahaan deegaanada dhaca gobolka xeebta iyo sidoo kale deegaano badan oo katirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -